Shabelle: LAASQORAY
Posted: 2/11/2010
Abaaro iyo biyo la'aan baahsan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka taaganyihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag Yuusug Jaamac oo qadka taleefanka ugu waramayay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in abaaro iyo biyo la'aan aad u xoogan ay ka taaganyihiin deegaano hoostag degmada Laasqoray,waxaana uu intaasi ku daray in abaarahaasi iyo biyo la'aantaasi ay saameyn weyn ku yeesheen dadka ku dhaqan halkaaasi.
Waxaa uu sheegay in abaartaasi iyo biyo la'aantu ay sababtay in dadka iyo duunyadu ay isaga hayaamaan deegaanadaasi kuwaasi oo raadsaday meelo kale oo ay is leeyihiin biyo iyo waraab ayaad ka heli kartaan maadaama aysan helin wax gurmad ah oo ka caawiya abaarta iyo biyo la'aanta heysa.
Maamulka degmadaasi ayaa horay baaq ugu jeediyay hay'adaha samafalka kaasoo ku aadan in la caawiyo dadka abaartu ay ku heyso degaanada hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag hase ahaatee ilaa iyo hada ma jirto jawaab ka timid baaqyadaasi iyadoo gudoomiyaha degmadaasi uu haatan markale ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay caawinaad la gaaraan dadka deegaanadaasi ku dhibaataysan.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:
Post a Comment