Thursday, 18 February 2010

Qoysas Barakacayaal ah oo mar kale ka barakacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho kadib duqeyn xalay halkaasi lagu garaacay

Shabelle: MUQDISHO               Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in uu ka bilwoday barakac kadib markii habeenkii xalay duqeyn halkaasi ku dhacday ay sababtay dhimashada 2 ruux halka 9 kalana ay dhaawacmeen.

Wararka Shabelle ay ka heleyso deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay in dadka dhintay ama dhaawacmay ayaa dhamaantoodba ahaayeen qoys balaaran oo is dhex degan iyadoo labada qof ee dhibateyna la sheegay in ay ahaayeen wiil iyo gabar dhalinyaro ah.

Dadka dhaawaca ah oo tiradooda ay gaarayso 9-ka ruux ayaa la sheegay in ay ku jireen kuwa dhaawacoodu daranyahay iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah koomo ama xaalad miir beel ah ay ku jiraan waxaana la sheegay in haatan lagu baxnaaninayo isbitaalada Dayniile iyo Carafaat sida ay inoo sheegtay gabar ka mid ah ehelada qoyska ay dhibaatadu soo gaartay.

Barakacaan iyo xaaladahaan walaaca ee laga soo sheegayo deegaanka Garisbaaley ayaa imaanaya xili ay horay halkaasi ugu sugnaayeen dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho taasoo u muuqata hadda in ay mar labaad sii barakacayaan, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay duqeyntii xalay loo geystay deegaanka Garisbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.






No comments:

Post a Comment