Friday, 12 February 2010

CEELBIYOOD DHAWAAN LAGA QODEY TULADA QODAXTOLE OO LOO LAYAHAY MATOOR BIYAHA KASOO SAARA

Source: codkamudug.com
Written by liibaan

Wednesday, 10 February 2010 20:09

Qaar ka mid ah wax garadka,odayaasha ,iyo culuma,udiinka tuulada qodaxtoole oo qiyaasti lixdan kiilo mitir dhinaca bari kaga beegan magaalada gaalkacyo ayaa Si aad ah ugu cabanaya xaalado biyo la,aan ah oo xilligan soo wajahay dadka iyo xoolaha ku dhaqan qodaxtoole iyo deegaanada miyiga ee ku xeeran, waxaana waxgaradka deegaanadaasi aay sheegeen in biyo la,aanta ka jirta qodaxtoole awgeed ay qarka usaarantahay in gabi ahaanba dadka ku nool tuuladaasi isaga cararaan halkaasi


Tuulada qodaxtoole oo ka mid ah meelaha ay sida weyn uSameysay abaaraha ka jira gobalka mudug oo xoolo fara badan ugu dhinteen haraad dartii ,ayaa deegaankaasi waxaa dhawaan ceel biyood nuuca riiga ka qoday hay,ada ICRC inkastoo qodista ceelkaasi si rasmi ah loo dhameeyey ayaa waxaa wali aan loo sameyn matoorki ceelkaasi biyaha ka soo saar lahaa,waxaana dadka xoolaleyda ah oo filayey in ay biyo ka heli doonaan ceelkaasi ayaa rajo xumo weyn ka muujeyey matoor la,aanta haysa ceelkaasi
Intii ay socotay qodista ceelkaasi oo ahayd ku dhawaad mudo afar bilood ah ayaa waxaa deegaanadaasi soo gaaray xoolo dhaqato hore ugu baracakacay biyo la,aanti halkaasi ka jirtay,qoysaska soo gaaray halka laga qodayey ceelkaasi ee qodaxtoole iyo kuwi hore udeganaa ayaa si weyn ufilayey in marka ladhameeyey qodista ceelkaasi ay ka heli doonaan biyo iyaga iyo xoolahooda dadkaasi xoolaleyda ah oo intii ay socotay howsha lagu qodayey ceel biyood kaasi ka qayb qaatay soona dhaweeyey Mas’uuliyiintii ka socotey Haya’adda I.C.R.C

Ugu danbayntii waxaa dhaliil ujeediyey hay,ada ceelkaasi qoday ee ICRC dadka deegaanka waxayna ku tilmaameen in ay Haya’addaasi qabteen howl qaybo ah XASAN XAASHI XUUDI oo ka mid ah gudiga odayaasha ee tuulada qodaxtoole ayaa ka codsaday in hay,adahada samafalka, jaaliyada galmudug,iyo dadka ka shaqeeyo dhinaca gargaarka bani,aadimo ay la soo
Gaaraan matoor ceelkaasi biyaha looga soo saaro si loo samata bixiyo kumanaan xoolo dhaqato ah oo la ildaran biyo la,aan soo wajahdey






















W/D Liban Isse Omar 0015672660223


No comments:

Post a Comment