(Shabelle: MUQDISHO)Dowladda wadanka Jarmalka ayaa lacago ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti kadib markii wadahadal dhexmaray wasiirada arimaha dibada ee Jabuuti iyo Jarmalka.
Wasiirka arimaha dibada wadanka Jarmalka ninka lagu magacaabo Westerwelle oo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulamay wasiirka arimaha dibada reer Jabuuti Max’uud Cali Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Jarmalka ay ku tabarucday aduun lacageed oo gaaray 120 kun oo Yurowga ah taasoo uu sheegay in loogu talagalay taageerida dhinaca Caafimaadka iyo waxbarashada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti.
Mr. Westerwelle ayaa waxaa uu sheegay in dalka Jarmalka uu ka mid yahay dalalka reer Yurub ee ka qeyb qaadanaya taageerida tababarka ciidamada booliska dowladda KMG ee Soomaaliya isagoo sheegay in arintaani ay tahay talaabo hormarleh oo bilow ah u noqon doonto taageerada kaga timid dhinaca wadanka Jarmalka, waxaana uu sheegay sidoo kale in ay safaarad ka furan doonaan dalka Jabuuti oo iyana ay taageeri doonaan shacabka reer Jabuuti.
Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada wadanka Jarmalka Westerwelle ayaa dhigiisa dalka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf waxaa uu kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ku hayaan Maraakiibta isticmaasha xeebaha gacanka cadan.
Dalalka Jabuuti iyo Jarmalka ayaa waxaa ay yihiin wadamo si aad ah u taageersan dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana taageerida wdanka Jarmalka ka soo baxday ay u muuqanaysaa in ay qeyb ka tahay balan qaadkii horay ay u sameeyeen oo ahaa in ay is bar bar aagi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo waliba dowladda KMG ee Soomaaliya.

No comments:
Post a Comment