(Shabelle: AFGOOYE) Dibadbaxyo xoogan oo looga cabanayay biyo la’aan baahsan oo xiligaan heysata Barakacayaasha Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye.
Banaanbaxaani looga cabanayay biyo la’aanta ka jirta kaamamka Barakacayaasha eek u yaala deegaankaasi ayaa waxaa ka qeyb qadanayay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray haween iyo Caruur.
Qoysaskaani barakacayaasha ee banaanbaxa dhigayay ayaa xiligii ay ka soo barakaceen Magaalada Muqdisho waxaa biyaha ay isticmaali jireen xiligaasi siin jiray hay’adda MSF taasoo bilooyin ka hor sheegtay in ay joojisay biyihii ay ka waday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Marwo Cabdiyo Cabdi Khaliif oo ka mid aheeyd Haweenkii ka soo qeyb galay banaanbixii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Lafoole ayaa sheegtay in ay u taaganyihiin banaanbax ay kaga cabanayaan biyo la’aan baahsan oo soo wajahday,waxaana ay xustay in ay ka koobanyihiin dadka banaanbaxa dhigayay ilaa 12 kaam.
Waxaa ay ka codsadeen banaanbayaasha hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax u tari karta in ay biyo la soo gaaraan maadaama sida ay sheegeen aanay heysan biyo xitaa ay suuliga ku isticmaalaan.
Dibadbaxaani ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay C/laahi salad Xasan (wadaad Yare) oo isagu ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka lafoole waxaana uu xusay in dadkaani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro gar gaar dhinac biyaha ah.

No comments:
Post a Comment