Friday, 19 February 2010

Qoysaska barakacayaasha ee ku sugan deegaanka KM-13 oo bilaabay in ay halkaasi ka sii barakacaaan kadib Madaafiic xalay halkaasi ku dhacday


Shabelle: TAREEDISHO.
Qoysaska barakacayaasha ee ku sugan deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ka sii barakacaaan kadib markii habeenimadii xalay tiro Madaafiic ah ay halkaasi ku dhaceen.

Waxaa Saakay barakac xoog leh laga dareemayaa in uu ka bilowday deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho kadib markii Madaafiic dhowr ah xalay la isku weydaarsaday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay deegaankaasi gaareen.
 
Madaafiicdii xalay ku dhacday deegaanka KM-13 ayaa la sheegay in aysan geysan wax Khasaaro ah, balse dadka degenaa xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala deegaanka KM-13 ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi iyo walwal xoogan kadib markii qoysas faro badan oo halkaasi degenaa ay habeenkii xalay bilaabeen in ay ka barakacaan guryihii Cooshada ahaa ee ugu yiilay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho sida uu Shabelle u xaqiijiyay Axmed Sagaale oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka KM-13.

Si kastaba ha ahaatee Madaafiicdii xalay ku dhacday qeybo kamid ah deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli habeen hore dhowr Madfac ay ku dhaceen deegaanka Garsbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka dhasheen khasaaro faro badan iyadoona inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen ilaa 9-ruux.

No comments:

Post a Comment