Wednesday, 10 February 2010

Macaluusha Somalia

Source: bbcsomalia.com
Warbixin laga soo saaray baadhitaan dheer oo ay sameeyeen heyadda FAO ee qaramada midoobay ugu qaabilsan xagga cunnada iyo waxsoosaarka beeraha, iyo heyadaha caalamiga ah ee gargaarka iyo nafaqaynta degdegga ah, ayaa lagu xaqiijiyey warbixintaasi nafaqadarro ba'an iyo dhibaatooyin aadaminnimo oo ka taagan, kuna sii kordhaya gobollada dhexe iyo kuwa koonfurta Somalia.

Heyadda quudinta iyo nafaqada ee FAO ee qaabilsan Somalia oo baadhitaanka iyo warbixintani hoggaaminaysay ayaa sheegatya in 42 % dadweynaha Somalia inay maanta u baahan yihiin gargaar aadaminnimo oo degdeg ah, dadka iyo xooluhuba. waxana lagu qiyaasay tiradaasi inay ka badnaanayso ilaa 3 malyuun iyo dhawr bqol oo kun oo qof.

Warbixintani heyadaha waxa lagu sheegay inay ugu daran yihiin gobollada dhexe ee Somalia oo 70% dadweynaha ku nooli ay u baahan yihiin gargaar iyo gurmad degdeg ah. In kasta oo warbxintu muujinayso yididiilo laga qabo xoolihii Somalia ee laga qaaday xayiraaddii suuqyada caalamiga ah, haddana waxay sheegtay in dhinaca kale walaac weyn laga qabo xiisadaha dagaal iyo barbaxa ballaadhan ee ka bilaabmay isla gobolladaasi dhexe ee Somalia, taasi oo haddana culays dheeraad ah ku keenaysa xaaladihii abaaraha ee taagnaa iyo saamaynta ay dadweynihii ku yeesheen, iyo weliba heyadihii gargaarka oo aan gaadhi karin gobolladaasi, nabadgelyo-darro awgeed.

Dhinaca nafaqadarrada caruurta Somalia, warbixintu waxay ku tilmaantay in 5-tii ilmoodba mid ka mid ay hayso nafaqadarro xun oo halista uu ugu jiro inuu u dhinto xaaladdaasi ay 9 jeer kor u kacday. Nafaqadarradan haysata caruurta iyo dadka Somaliyeedna waxa lagu qiyaasay inay tahay tan ugu sarraysa marka la barbar dhigo heerarka xaaladaha kale ee adduunka.

Dadka iyo caruurta nafaqadarradu ay hayso, saddex meelood marka loo qaybiyo, laba ahaan waxa lagu sheegay warbixinta inay ku sugan yihiin amma ku nool yihiin gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Somalia, gobolladaasi oo ah kuwa dagaalladu ay aafeeyeen. Waxana la sheegay in si weyn ay ugu baahan yihiin nafaqo lala gaadho, adeeg caafimaad iyo biyo la manaafacaadsado.

Barabaxa gudaha ayay warbixintu ku tilmaantay dhibaatada kale ee ugu weyn oo saamaysay in ka badan ilaa 3 malyuun oo qof, una dhiganta 44% dadweynihii Somaliyeed ee goballadaasi. Waxayna warbixintu ka digtey in barabaxaasi uu yahay weli mid sii socda oo weliba sii kordhaya, dagaallada ka socda awgood.

Warbixintu waxa kale oo ay soo qaadday dhibaatooyinka kale ee banii'aadminnimo ee ka jira dhinaca waqooyiga oo ay ku tilmaantay inay ka dhalatay abaaro iyo roob-xumo muddo afar xilli ah oo is-xiga. Taasina waxay aad u saamaysay dadweynihiik reer miyiga ahaa iyo xoolihii intaba, oo haatan u baahan taakullo.


No comments:

Post a Comment