Wednesday, 10 February 2010

WFP oo u baaqday Shabaab

Source: BBC Somalia
Hay'adda Qaramada Midoobay ee WFP ayaa ugu baaqday hoggaanka sare ee ururka al-Shabaab, ee gacanta ku haya inta badan deegaanada koonfurta Soomaaliya in ay meesha ka saraan shuruudaha faraha badan ee ay ku xireen hay'adda si ay u fuliso barnaamijada gargaarka ee ay halkaasi ka waday.

Sarkaalka xiriirka dadweynaha u qaabilsan, WFP Peter Smerdon, ayaa waxa uu sheegay in ay adagtahay in la fuliyo shurudahaasi, waxa uuna raaciyey in ay yartahay rajada ah in WFP ay dib u bilaawdo cunno qeybintii ay ka waday koonfurta Soomaaliya waa haddii buu yiri hoggaanka sare ee al-Shabaab aanu shurudaasi ka noqon.

Waxa uu yiri "waxaan filaynay in muddo kooban uu socon doono hakadka ay wfp gelisay howegaladeeda, balse waxaa haatan inoo muuqata buu yiri in aanay jirin wax horumar ah oo la gaaray tan intii ay wfp go'aankaasi qaadatay."

Ururka Shabaab ayaa sannadkii tagay u gudbiyey WFP in ka badan 10 shurudood oo ay ka mid ahayd in WFP siiso maamuladda Shabaab lacag gaaraysa 20 kun oo doolar, lixdii biloodba mar, lacagtaasi oo sida ay shegeen lagu fulinayo howlaha amniga ee gobolada Bay iyo Bakool.

Ma jirin buu yiri afhayeenku wax hurumar ah oo laga gaaray xaaladda cakiran iyo khilaafka soo kala dhexgalay WFP iyo al-Shabaab tan iyo intii ay wfp go'aansatay in ay hakiso howgaladdii cunno qeybinta ee ay ka waday koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo in hay'adda ay wadahadalo la bilawday Shabaab, waxa uuna ku gaabsaday oo keliya in ay la hadlayaan cid kasta oo diyaar u ah in ay ka shaqeysaa nabadda.

Shuuradaha kale ee ay shabaab u gudbisay WFP waxa ka mid ahaa, in muddo sedex bilood gudahood ah WFP shaqada ka saarto dumarka u shaqeeynaya kuna badasho rag, waayo waxay sheegeen in dumarka aanan loo ogolayn in ay ka shaqeyaan waxaan ka ahayn xarumaha caafimaadka.

Waxa sidoo kale ka mid ahaa in WFP ka iibsato raashinka beerlayda guduha, joojiyaana cunada ay dibada ka soo gadanayaan.


No comments:

Post a Comment